Degdeg: War-murtiyeed Toddaba Qodob Ah Oo Ka Soo Baxay Kulankii Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Somaliya Ee Magaaladda Ankara (Sawiro + Video + Nuqul Ingiriisi Ah). Ankara Apr.13, 2013 – War-murtiyeed ka kooban Toddoba qodob ayaa laga soo saaray kulankii madaxweyneyaasha Somaliland iyo Somaliya ee maanta ka qabsoomay magaaladda Ankara ee dalka Turkiga, kuwaas oo kala ah sida soo socota: In lasii wado wada-hadaladii u socday Labada dhinac. In la adkeeyo horeyna loo sii wado heshiisyadii hore sida: wada-hadaladii ka dhacay Chevining house june 21-keedii 2012 iyo wada-hadaladii Dubai june 28-keedi 2012. wada-hadaladu waxay u dhaxeeyaan dawladda federaalka ee Somaliya iyo Somaliland, beesha caalamkuna kaliya taageero ayey siinayaan in ay wada-hadalada sii wadaan. Heshiiskani wuxu dhiirigelinayaa in beesha caalamku ay sii wadaan gargaarka iyo taageerada horumarineed ee la siiyo Somaliland. Waxa la isku raacay in labada dhinac wada yeeshaan wada shaqeyn iyo iskaashi dhinacyada Amaanka, sirdoonka, Tabobarad dhinacyada amaanka, la dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo Kaluumaysiga sharci-darada ah. In Labada dhinac ay mar kale wada-hadalo ku yeeshaan Istanbuul Saddex Bilood gudahood. In laga feejignaado wax kasta oo burburin kara ama wada-hadalada caqabad ku noqon kara in wada-hadaladaasi sii socdaan. Heshiiska waxa saxeexay dhanka dawladda Somaliland wasiirka arimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, dhanka dawladda federaalka ee Somaliyana wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka. Heshiiska oo ku qoran Afka Ingiriisida: Warka oo maqal iyo muuqaal ah:

Comments

Popular posts from this blog

Pigging out

Specially forced out

Demography in Chile