Sirta Ka Dambeeysa Is Khilaafka Madaxda Qaranka Ee Kooxda Xasan sheekh maxamuud (Damul Jadiid) Posted by Cabdilaahi Dahir November 18, 2013. Ragaas waxaa intooda badan uu Madaxweynuhu ku qoonsadey Shuruudo u gaar ahaa, oo magacaabista Ra’isulwasaaraha uu ku xirayey, balse eey ugu waaweeynaayeen labo shardi. Labadan shuruud waxeey kala ahayeen: Sirta Ka Dambeeysa Is Khilaafka Madaxda Qaranka Ee Kooxda Xasan Shiiq Maxamuud 1. In Ninka uu Madaxweynuhu Ra’isulwasaare u magacaabayo noqdo “Nin uu wadankaro”, kana firfircoonaankaro, isagoo ka faa’ideeysanaya khibrada xukuumadihii ka horeeyey, maxaa yeeley Madaxweyne Sh. Shariif wuu iska wadankarey Ina Sharmaarke, balse markii uu magacaabey Farmaajo xaalkiisu wuu is badaley, oo Farmaajo ayaa aad uga firfircoonaa, kana sumcad dheereeyey, oo shacbiyad aad u weyn ummada ku dhexyeeshey, dabcan illaa iyo maantana xaqiiqdii ku dhex leh. Waxeeyse howsha Shariif uga sii dartey markuu Ra’isulwasaare ka dhigey Dr. Cabdiweli Cali Gaas, taasoo la y...